Masar oo garab istaag buuxa u muujisay dowladda Soomaaliya

0

QAAHIRA (SMN) – Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Jamhuuriyadda Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka.

Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadi’da Midowga oo qeexaya in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here