Midowga Afrika oo war xasaasi ah kasoo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Midowga Moussa Faki Mahamat wuxuu si dhow ula socdaa xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Somaliland) ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Afrika”.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”. Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sidoo kale guddoomiyaha guudigga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika.

Wuxuu intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah

Midowga Afrika, oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada, si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda, ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadalo lagu xalinayo kala duwanaanshiyaha labada dal, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Ugu dambeynyii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadahan soo cusboonaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here