Cairo – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Egypt, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in dalkiisa uu sii xoojinayo dadaallada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, isaga oo kaashanaya Pakistan iyo Turkey.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Cairo, ayuu Abdelatty ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dagaalka lagu soo afjaro hab wadaxaajood oo ku dhisan “guul-guul,” halkii uu ka ahaan lahaa mid dhinac kaliya faa’iido u leh.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay martigeliso shirar kasta oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda u dhexeysa Mareykanka Israel iyo Iran, isagoo ka digay in waqtiga fursadaha wadaxaajoodka uu sii yaraanayo.
Dhanka kale, inkastoo Iran ay diiday soo jeedin hore oo xabbad joojin ah oo lala xiriiriyay Donald Trump, haddana warar ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in wadahadallo toos ah ay ka dhacaan Islamabad toddobaadka soo socda.
Masar ayaa sidoo kale muujisay taageero ay u hayso hindisaha Mareykanka ee wada-xaajoodka, iyadoo ku baaqaysa in si degdeg ah loo bilaabo kulamo toos ah oo dhex mara wakiillo ka kala socda Washington iyo Tehran.
Hadalka Masar ayaa imanaya xilli xiisadaha gobolka ay sare u kacayaan, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay noqdeen kuwa ugu muhiimsan ee lagu yareyn karo khilaafka sii xoogeysanaya.



