Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo dhagax-dhigay mashruuca deegamaynta Gendereshe

0

Gendereshe, Shabeellaha Hoose – Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc ballaaran oo lagu horumarinayo deegaanka Gendereshe.

 

Mashruucan ayaa qorshuhu yahay in deegaanka laga hirgeliyo 500 oo guri oo casri ah, masaajid, iskuul, dugsiyo, garoon ciyaareed, suuq weyn iyo waddooyin waaweyn, kuwaas oo loogu talagalay horumarinta deegaanka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaano, maamulka gobolka iyo kan deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiintii ka qeybgalay munaasabadda ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga maamulka iyo bulshada si loo xaqiijiyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa xusay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta guud ee deegaanka Gendereshe iyo baahida loo qabo dhismaha kaabayaal casri ah oo bulshada u adeegaya. Mashruucan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto horumarinta deegaanka Gendereshe, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo dhismaha deegaan leh kaabayaal casri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here