Soomaaliya oo nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay safiirka cusub ee Cumaan

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Dowladda Saldanadda Cumaan u soo magacawday Soomaaliya, Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri.

 

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay safiirka cusub, isaga oo u ballanqaaday in wasaaraddu ay si buuxda u taageeri doonto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed. Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sidoo kale safiirka ugu hambalyeeyay furitaanka safaaradda Dowladda Saldanadda Cumaan ee Muqdisho, kaddib 36 sano oo aysan safaarad ku lahayn magaalada.

Wasiirka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u muujinaysa kalsoonida xooggan ee Dowladda Saldanadda Cumaan ay ku qabto Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu Dowladda Cumaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u muujiso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.May be an image of dais and the Oval Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here