Qarax lagu weeraray deegaan ay ku sugan yihiin Qoor Qoor iyo madax kale

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qarax is-miidaamin oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen Deegaanka Laas Gacamey ee gobolka Mudug

 

Weerarka ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo Senataro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa siday uu ku dhawaaday guri ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor, senator Cabdi Qaybdiid, xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad iyo mas’uliyiin kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay inuu soo dumay guri ay ku jireen mas’uuliyiinta, waxaana dhaawac fudud uu soo gaaray Cabdi Qaybdiid iyo Dhabancad, ayada oo uu badbaaday madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale waxaa jira askar kale oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka Laas Gacamey ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Galmudug oo ku aadan weerarkaasi is-miidaaminta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here