Ankara – Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Turkiga, Mudane Ismaaciil Ibraahim Aadan, oo ay wehliyaan Xildhibaan Mahad Cawad, Marwo Caaisha Maxamuud oo ah u qeybsanaha Arrimaha Waxbarashada ee Safaaradda, iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay qalin-jabinta in ka badan 300 oo arday Soomaaliyeed oo ka aflaxay jaamacadaha magaalada Ankara, sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Mas’uuliyiinta ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, iyagoo ku boorriyay inay aqoontooda iyo xirfaddooda uga faa’iideeyaan horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxay sidoo kale uga mahadceliyeen Dowladda Turkiga iyo jaamacadaha dalkaas taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, iyagoo ku bogaadiyay doorkooda ku aaddan horumarinta waxbarashada iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.




