Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta khudbad ka jeediyay furitaanka maalintii labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026), oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho, kuna qabsoontay halku-dhigga “Soomaaliya iyo Marxaladeeda Xasaasiga ah: Xoojinta Xasilloonida, Midnimada iyo Horumarka.”
Madashan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage iyo Jaamacadda City, ayaa isugu keentay masuuliyiin dowladeed, aqoonyahanno, bahwadaagta horumarinta iyo khubaro si ay uga wada hadlaan mudnaanta horumarineed ee qaranka Soomaaliya. Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xiran yahay xoojinta hay’adaha dowladda, hoggaan qaran oo hufan, adkaysiga shacabka iyo iskaashi miro dhal ah oo lala yeesho beesha caalamka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta nabadda, adkaynta midnimada qaranka, ilaalinta madaxbannaanida, horumarinta dalka iyo dhiirrigelinta wada-hadal loo dhan yahay.
Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu muujiyay kalsooni buuxda in doodaha iyo falanqaynta ka soo baxa Madashu ay horseedi doonaan talooyin wax-ku-ool ah oo ku saleysan cilmi-baaris iyo caddeymo, kuwaas oo gacan ka geysan doona dhismaha qaran Soomaaliyeed oo xasilloon, barwaaqo ah, horumarsan isla markaana adkaysi leh.




