Maxaa ka jira in Farmaajo iyo Uhuru ay ku kulmayaan magaalada Dooxa?

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmayaan magaalada Doxa ee xarunta Dalka Qatar.

Wasiir Dubbe ayaa yiri “Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan, kuna kulmayaan Doha/Qatar”.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay arrinta baddeenna ayaa xusay in kiiska la xiriira badda ay ku jirto gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, isla markaana la wada sugayo go’anka maxkamadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here