Sawirro: Faah faahino kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana lagu weeraray saldhigga degmada Waabari oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan uu sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in dadka ku dhintay qaraxa uu ka mid yahay taliyaha saldhigga Waabari Axmed C/laahi baashane, waxaana weli socda gurmad loo fidinayo dadka dhaawacmay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here