Maxaa ka jira in Shariif uu iska casilayo xilka guddoomiyaha golaha musharaxiinta?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd Shariif Sheekh Axmed, sidoo kalena ah guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta ayaa waxaa warar soo baxaya ay sheegayan inuu iska casilayo xilkaas oo uu u hayey musharaxiinta.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay Shabelle, kulan ay yeesheen xubnaha midowga musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlay arrintani soo cusboonaatay ee Shariif.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa lagu lafa guray sababaha ka dambeeya is casilaadda Shariif ee la xariirta hoggaaminta midowga musharaxiinta oo ahaa ninka ugu muuqashada badnaa marka ay timaado ka hadalka siyaasada dalka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka kadib madaxweyne Shariif uu soo saaray waraaq uu si cad ugu sheegayo inuu iska casilay hoggaaminta golaha midowga musharaxiinta mucaaradka, inkastoo aan si cad loo sheegin, haddane maalmihii u dambeeyay siyaasadda madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa aheyd mid dedgan, kaas oo aanan badi ka hadal xaaladaha siyaasadeed ee haatan ka jira dalka.

Xubno ka tirsan xisbiga madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa ku riixay is casilaaddiisa, waxaana qaarkood ay u soo jeediyeen in uu diirada saaro siyaasadda xisbigiisa oo uu kaga mashquulay tan Madasha Xisbiyada Qaran.

Sidoo kale xubnaha midowga musharaxiinta ayaa wararka Shabelle ay heshay sheegayaan in qaarkood ay si hoose madaxweyne Shariif la dagaalsanayeen marka loo eego ka hadalka siyaasadda oo madaxweynuhu ka gaabsaday inuu ku hadlo afka midowga musharaxiinta.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ay midowga musharaxiinta u doorteen gudoomiyaha golaha dabayaaqadii 2020 hore kadib maalmo ay ku shirsanaayeen magaalada Muqdisho.

Wararka ay heleyso Shabelle waxay intaasi ku darayaan in Shariif aanu gabi ahaam ka tanaasulin xubinimada, balse uu codsaday inuu baneeyo xilka ugu sarreeya ee golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here