Maxaa ka soo baxay kulankii golaha wada-tashiga qaran & musharraxiinta?

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Kulanka ayaa la isku xogwareystay xaaladda uu dalku marayo, hannaanka ay u socdaan doorashooyinka iyo sidii loo dar dargelin lahaa doorashooyinka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in la magacaabo guddi wadajir ah oo soo turxaan bixiya qodobada ay cabashada ka keeneen musharixiinta ee ku jira habraaca doorashooyinka.

“Fariimo nooga yimid Golaha wadatashiga qaran ayaan ula fadhiisan Madaxda Dowlad-Goboleedyada, kaddib waxaa nagu soo biiray Ra’iisul Wasaaraha oo aan kawada hadalnay turxaan bixinta cabashooyinka aan ka qabnay habraaca Doorashooyinka ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlay laanfa Afka Soomaaliga ee BBC-da

Kulankan atyaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli musharixiinta mucaaradka ay ka soo horjeesteen habraaca doorashooyinka ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here