Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo la kulmay dhiggiisa Itoobiya

0

Taliyayaasha Ciidamada Militariga ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Addis ababa kulan gaar ah ku yeeshay. Berhanu jula iyo Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga sidii loo adkeyn lahaa.

Sida ay baahisay warbaahinta Itoobiya arrinta ugu muhiimsan ee laga hadlay ay tahay sidii Soomaaliya u gaari lahayd isku-filaansho dhinaca ciidamada ah.

Si kastaba, Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here