Maxay ka wada-hadleen Cali Guudlaawe iyo wakiilka Qaramada Midoobay?

0

MUQDISHO (SMN) – madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Catriona Laing.

 

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixin ku aadan howlaha UN-ka ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Waxa kale oo ay sheegtay inay u diyaar-garoobeen cabsida Elnino ee ku aadan xilliga roobka Gu-ga oo iminka ka curtay degmooyinka  Hirshabeelle.

“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Amb. Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here