Maxay ka wada-hadleen dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Fei Shengchao.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale waxaa dib u eegis lagu sameeyey inta uu kulanku socday fursadaha horumarineed ee ay heystaan labada dowladood.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale safiirka kala hadlay sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here