Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul wasaare Rooble iyo danjiraha UK?

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyo xaaladaha bani’aadminimo iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Safiir Kate Foster ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerraradii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda xaqiijinta nabadda dalkooda.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in qeybaha ka harsan doorashooyinka dalka oo gebogebo maraya ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here