Sanbaloolshe oo ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Guddiga maamulka doorashada ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maanta qabatay doorashada kursiga Hop#058 oo ay ku tartameen illaa todobo musharrax, kaas oo doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Doorashada kursiga ayaa waxa ku guuleeystay Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 54 cod wareeggii koowaad, taasoo ka dhigan in cod hal dheeri ah uu ku soo baxay.

Sanbaloolshe ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, wuxuuna horey usoo noqday agaasimihii hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here