Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul wasaare Rooble, Sheekh Shariif iyo Khayre?

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore XFS Mudane Xasan Cali Khayre.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay ka wada hadleen hirgelinta heshiiskii uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen xaaladaha taagan, sida looga gudbi karo xiisadda xoogan ee haatan hareysay Villa Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo aaday, xilli muhiim ah, isla-markaana lasoo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here