Maxay ka wada-hadleen safiirada wadamada Soomaaliya iyo Sacuudiga?

0

MUQDISHO (SMN) – Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyadda Sacuudiga ayaa ku qaabilay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Riyaad safiirka dhawaan Sacuudiga u soo magacaawday dalka Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga ay haatan lee yihiin Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee taageera dowladda federaalka ah, waxayna mashaariic kala duwan ka fulisaa gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here