Maxay ka wada-hadleen wasiir Bayle iyo safiirka dowladda Mareykanka?

0

MUQDISHO (SMN) -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula yeeshay Safiirka Mareykanka Danjire H.E. Larry André.

Bayle iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay arrimaha dhaqaalaha ee labada dal iyo sidoo kale  dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya.

“Maanta waxa aan kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka H.E. Larry André,” ayuu yiri wasiir Bayle oo qoraal kooban soo saaray.

Amb. Larry André oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyey guusha ay Soomaaliya ka gaartay dib u habeynta dhaqaalaha, sida ay aqoonsatay hay’adda lacagta ee IMF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here