Maxay ka wada-hadleen wasiir dibadeedyada Somalia & Tuniisiya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa shalay gelinkii dambe oo Isniin ahayd, teleefoon kula xiriiray dhiggiisa Tuniisiya, Mudane Othman Jerandi, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo sare u qaadidda heerka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah oo la gaarsiiyo dhinacyo kala duwan.

Labada wasiir ayaa intii ay teleefoonka ku wada hadlayeen waxa ay xaqiijiyeen adkaynta xiriirka walaaltinimo iyo wadatashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah heer carbeed iyo afrikaan intaba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey sida ay dowladdiisu u tixgelinayso kaalinta fir-fircoon ee ay Tuniisiya ciyaareyso iyadoo ah xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay muddo xileedka sanadaha 2020 illaa 2021, ee difaaca danaha iyo arrimaha dalalka Carabta iyo Afrikaanka ee Golaha ku jira, iyo ka qayb qaadashada xal u raadinta nabadeed iyo amni ee wadamada Carabta iyo qaaradda Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda , Socdaalka iyo Qurbajoogta Tuniisiya ayaa muujiyay sida ay Tuniisiya u taageerayso geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo dhowriddeeda midnimada dhuleed oo ah wax faa’ido u ah dadka Soomaaliyeed, amnigiisa iyo deganaanshihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here