Maxay ka wada-hadleen wasiiro arimo dibadeedyada Kenya iyo Soomaaliya?

0

Wasiirada arrimaha dibadda Kenya iyo Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

โ€œLabada wasiir waxay yeesheen wada hadallo laba geesood ah oo ku saabsan xiriirka, waxayna wada xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dalโ€ ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wafddi ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa saaka gaartay magaalada Muqdisho halkaas ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here