Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu kusoo qab qabteen dad isticmaalayey waxyaabaha maankadooriya iyo kuwa ganacsanayey intaba.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan looga jawaabayey cabasho ka timid shacabka gobolka Banaadir.

“Taliska Boliiska G/Banadir iyo Maamulka G/Banadir oo is kaashanaaya kana jawaabaya cabasho ka timid bulshada ayaa howlgalo ka fuliyay dhamman degmooyinka G/Banadir howlgalkaas oo lagu soo qabtay dadka mandooriyaadka isticmaala iyo ka kuwa ganacsada,” ayey tiri General Zakiyo Xuseen oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Howl-galkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli dhowaan la filayo in magaalada Muqdisho ay ka billowdaan doorashooyinka isugu jiro tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here