Maxay yihiin ciidamada laga mamnuucay inay galaan Garoonka Stadium Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS ayaa Garoonka Stadium Muqdisho ka mamnuucday in ciidamo hubeysan ay gudaha u galaan inta uu ka socdo tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

 

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in la ilaaliyo badqabka kumanaanka tageerayaasha koxaha ee garoonka tagaya.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in ammaanka ay ka shaqeyn doonaan hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir, isla markaana ilaalada mas’uuliyiinta ay joogi doonaan bannaanka hore ee garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here