MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday Afar Askari oo katirsan Ciidamada xoogga iyo Nabadsugida Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dil iyo inay dhac ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo.
Bukhaari Axmed Maxamuud oo kartirsan Nisa iyo Dable Xooga Salmaan ibraahim Shire ayay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah halka Axmed Xuseen Cilmi lagu xakumay seddex sano oo Xarig ah & Sharmaake Muxumed Cali oo lagu xukumey hal sano oo xabsi ah
Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27-Aad ee ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka,isagoona sheegay in maxakamada markey dhageysatay kadib edeynta iyo cadeymaha la horkeynay MaxKamadu ay ku riday xukunada isugu jira dilka xabsiga ah,islmarkana ay heystaan Muddo30-Cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.