Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku riday askar ka tirsan ciidamada DF

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday Afar Askari oo katirsan Ciidamada xoogga iyo Nabadsugida Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dil iyo inay dhac ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo.

Bukhaari Axmed Maxamuud  oo kartirsan Nisa iyo Dable Xooga Salmaan ibraahim Shire ayay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah halka Axmed Xuseen Cilmi lagu xakumay seddex sano oo Xarig ah & Sharmaake Muxumed Cali oo lagu xukumey hal sano oo xabsi ah

Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27-Aad  ee ciidamada qalabka sida Gashaanle  Maxamed Amiin Cabdule Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka,isagoona sheegay in maxakamada markey dhageysatay kadib edeynta iyo cadeymaha la horkeynay MaxKamadu ay ku riday xukunada isugu jira dilka xabsiga ah,islmarkana ay heystaan Muddo30-Cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here