Maxkamadda CQS oo toogasho ku fulisay askari horey u dilay qof shacab ah

0

GARBAHAAREY (SMN) – Maxkamadda Ciidamada, qaybteeda 27-aad ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Askarigan ayaa horey u dilay Marxuum Sugow Gaarane, waxayna maxkamaddu ku ridday xukun dil toogasho ah, kaas oo maanta oo Isniin ah lagu fuliyey.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada, ehellada marxuumkii horey loo dilay & mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo.

Dhowaan ayey ahey markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Beledxaawo ku toogatay Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii gudaha degmadaas ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa kooxda ciyaartoyda ee Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here