Puntland oo dad usoo qab-qabatay dil ka dhacay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howl-gal ka sameeyey Garoowe ayaa dad usoo qab-qabtay dal xalay ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Booliiska Garoowe ayaa gacanta kusoo dhigay illlaa afar qof oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdikaafi Cabdixafiid Axmed Warsame oo xalay lagu dilay halkaasi.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo hal nin iyo saddex dumar ah oo ku eedaysan kiiska.

Marxuumka Cabdikaafi Cabdixafiid Axmed Warsame ayaa ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose Garoowe, waxaana haatan socda baaritaano lagu hayo dadka loo soo qabtay dilkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here