Maxkamadda Gobolka Banaadir oo go’aan ka gaareyso maanta kiiska Sayid Cali

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markii sedexaad u fariisaneysa Dacwadda ka dhanka ah Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa ku gubay Muqdisho.

 

Maxkamadda ayaa la filayaa inay maanta go’aan kama dambeys ah ka gaarto go’aanka kama dambeyska ah ee Sayid Cali Macallin Daa’uud/

Sidoo kale maxkamadda ayaa horay fartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Qareenada difaacaya inay soo xaadiraan fadhigan maanta oo ah kii ugu dambeeyay.

Si kastaba, Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana maalintii la gubay kasoo wareegtay muddo bil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here