Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuno ku riday saraakiil loo haystay musuq

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka 11 sarkaal oo loo haystay eedeymo ka dhan ah musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

 

11-ka  sarkaal ayaa ka howlgalayay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu riday xukunno kala duwan iyada oo qaar ka mid ahna xoriyadooda ay dib u heleen.

Kiisaska loo haystay ayaa ku qotomay Musuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday.

Xukunka maxkamada ayaa waxaa warbaahinta u akhiryay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana uu u dhacay sida tan:-

Cabdullahi Maxmuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayeey maxkamaddu ku xukuntay 1-sano oo xabsi ah.

Cumar Macalin Nuur Cali agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1-sano oo xabsi ah.

Saabir Xasan Cabdi Nuur madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay 3-sano iyo lix bilood oo xabsi ah.

Cabdiraxmaan Cabdikariim Ibraahima, oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay 9-sano oo xabsi ah iyo joojinta qabshada xaafiis dowladeed.

Abuukar Maxamed Cali, oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xukumay 8-sano oo xabsi ah sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed.

Maxamed Aadan Cabdullahi oo ah maamulaha Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde  8-bilood oo xarig ah.

Dhanka kale waxaa ay maxkamadda gobolka Banaadir xoriyadooda dib ugu celisay.

Aadan Maxamed Cabdi oo ay Maxkamadda ku wayday dhammaan Eedaha loo haystay waxayna siisay xoriyadiisa.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sultaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda iyo shaqada ayaa isagana waxaa ay dib ugu celisay xoriyadiisa, maadaama lagu waayay wax danbi ah.

Maxamed Cadde Muqtaar, oo isna ahaa agaasimihii uga horreeyay xilkaas ayaa isagana maxkamadda waxa ay dib ugu celisay xoriyadiisa, kadib markii lagu waayey qodobadii lagu soo eedeeyay.

Cabdiwaaxid Muxsim Ibraahim ayaa isgauna maxkamadda gobolka Banaadir dib ugu celisay xoriyadiisa isagoo maqane ah.

Cabduqaadir Cabdi Socdaal ayaa dhankiisa maxkamadda waxay dib ugu celisay xoriyadiisa, sida uu ku dhawaaqay, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Dabbaan.

Waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku kaceen arrin la xiriirta Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo lacag dhaqid ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukun nuucaan oo kale ah, waxaana weli jira eedeysanayaal kale oo dibad joog ah, kuwaas oo iyana ay dacwad ka taallo maxkamadda, isla-markaana ay socoto doodeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here