Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wafdi u hoggaaminayo ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

 

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha mudane Xirsi Gani, Lataliyaha Amniga Ra’iisul wasaaraha mudane Kamaal Gutaale iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa kulamo kala duwan la qadan doona Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here