Maydka gabar si arxan darro ah loo dilay oo laga helay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN)Β Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa maydka gabar yar oo xalay laga helay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

 

Gabadha oo uu jirkeedu ka muuqday nabaro xoogan oo loo gaystay ayaa maydkeeda laga helay xaafadda Horseed ee magaaladaasi oo sidoo kale xarun u ah gobolka Nugaal.

Ma cadda sababta loo dilay gabadha yar, waxaan haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale falkan argagaxa leh ayaa si aad ah looga hadal haayaa magaalada Garoowe iyo baraha bulshada ee ay ku wada xiriirto Soomaalida.

Waa falkii labaad ee ka dhacaya Garoowe muddo todobaadyo ah gudahood, waxaana ay ahayd dhowaan markii gabar 13 jir ah lugu kufsaday kaam ku yaalla magaaladaasi.

Dhacdadaas ayaa iyana timid, kadib markii rag ku labisan dareeska ciidamada ay dhibaato ka gaysteen halkaasi, kadib markii u daadeen aqal ay daganaayeen qoys danyar ah.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay afduub wadareed u gaysteen gabar yar oo 13 sanno jir ah, taas oo ay ku hor kaxeysteen hooyadeed oo ah qof da’ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa hoos u dhacay amniga guud ee Garoowe, waxaana kusoo badanayay falalka ammaan darrida ah, oo badanaa loo aaneeyo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya deegaanada maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here