Maydka Marxuum Cabdicasiis Afrika oo lagu aasay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) -Allaha u naxariistee waxa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo qarixii xalay ku geeriyooday.

Marxuumka ayaa salaadda janaasada lagula tukaday masjid ku yaalla madaxtooyada, waxana salaadda janaasada dadkii ka qaybgalay ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale maydka Marxuumka ayaa markii dambe lagu aasay xabaallo ku yaalla Isbitaalka Xoogga halkaas oo ay joogeen xubno ka tirsan dawladda, weriyeyaal, ehellada marxuumka.

Cabdicasiis Afrika oo ahaa agaasimihii Radio Muqdisho ayaa waxaa xalay fiidkii isaga oo ka soo baxay makhaayad uu u casho tagay gaarigii uu la socday isku qarxiyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana soo gaaray dhaawac uu markii dambe u geeriyooday.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay isla qaraxaas agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo darawal la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here