Rooble oo la kulmay agaasime goboleedka dalalka carabta ee UNFPA

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana oo ay ka wada hadleen dadaalada dowladda ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada 2025.

Rooble ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaranka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.

Kulankan wuxuu ku soo aaday, xilli haatan Soomaaliya ay ku jirto doorasho nooc dadban ah, taas oo ay ku heshiiyeen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here