Midowga Afrika oo Ka Hadlay Xiisadda Itoobiya, Eritrea iyo Masar

0

Addis Ababa – Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Itoobiya, Eritrea iyo Masar.

 

Guddiga ayaa ugu baaqay saddexda dal ee xubnaha ka ah Midowga Afrika inay muujiyaan is-xakameyn dheeraad ah, kana fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii hurin kara xiisadda, isla markaana wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo marinnada isgaarsiinta ee u dhexeeya saddexda dal, si loo helo fursad lagu yareeyo khilaafaadka jira.

Guddigu wuxuu ku boorriyay Itoobiya, Eritrea iyo Masar inay khilaafaadkooda ku xalliyaan habab diblomaasiyadeed oo la aasaasay iyo wadahadallo nabadeed, iyadoo la raacayo mabaadi’da ku xusan Xeerka Dastuurka ee Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu diyaar u yahay, isagoo la tashanaya dalalka ay arrintu khuseyso, inuu taageero dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda, lagu dhiirrigeliyo wadahadalka, laguna gaaro xal nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafaadka.

Bayaanka ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Itoobiya, Eritrea iyo Masar uu wajahayo xiisado sii kordhaya, kuwaas oo walaac ka dhex abuuray gobolka Geeska Afrika iyo Waqooyiga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here