Qaahira – Masar ayaa ku dhawaaqday inay dalka ka saartay lataliye ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Qaahira, iyadoo siisay muddo 48 saacadood ah inuu kaga baxo dalka, tallaabadan oo u muuqata jawaab diblomaasiyadeed oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay diblomaasi Masri ah uga saartay dalkeeda.
Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Masar ayaa go’aankii Itoobiya ee ahaa in xubin ka tirsan shaqaalaha Safaaradda Masar loo aqoonsado persona non grata ku tilmaamay mid “wax laga xumaado” oo aan xaq ahayn.
Ilo wareedka ayaa sheegay in Masar ay si joogto ah u diidday faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale, isla markaana ay ka gaabsatay inay faragelin ama faallo ka bixiso arrimaha gudaha ee dalal kale, oo ay ku jirto Itoobiya, iyadoo arrintaas lagu saleynayo sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Ilo wareedka ayaa sidoo kale dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay marar badan dhibaatooyinka iyo caqabadaha gudaha dalka u aaneyso faragelin ay sameeyaan dhinacyo shisheeye.
Iyadoo ka jawaabaysa tallaabada Itoobiya, Masar ayaa lataliyaha Safaaradda Itoobiya ee Qaahira ku dhawaaqday inuu yahay shaqsiga aan loogu baahneyn dalka , waxayna ku amartay inuu dalka kaga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah, iyadoo tallaabada ku sababaysay mabda’a is-afgaradka diblomaasiyadeed.
Tallaabadan ayaa daba socota go’aankii Itoobiya ay Khamiistii hore ku dhawaaqday, kaas oo ay xubin ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadda Masar, Ahmed Moharam Ahmed Soliman, ugu aqoonsatay persona non grata, iyadoo ku amartay inuu Itoobiya kaga baxo 48 saacadood gudahood.
Is-dhaafsiga tallaabooyinka diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Masar uu wajahayo xiisado sii kordhaya, iyadoo labada dal ay sidoo kale muddo dheer isku hayeen arrimo la xiriira Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo xaaladda amni ee gobolka.




