Addis-ababa – Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaallada una hoggaansamaan xal nabadeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in hay’addu ay si dhow ula socoto horumarrada amni ee Muqdisho, gaar ahaan iska horimaadyada hubeysan ee laga soo wariyay qaar kamid ah goobaha rayidka.
Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ilaaliyaan shacabka rayidka ah, kana fogaadaan tallaabooyin kasta oo sii hurin kara xiisadaha jira.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa ku boorriyey daneeyayaasha Soomaaliyeed inay khilaafaadka ku xalliyaan wada-hadal iyo hannaan dastuuri ah, si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo midda amni ee dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu dhiirrigeliyay dadaallada uu wado Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda ee ku aaddan horumarinta wada-tashiga qaran, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha is-afgaradka siyaasadeed.
Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuu sii wadi doono la socodka xaaladda, isagoo xusay in AUSSOM ay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Bayaankan ayaa ku soo biiraya baaqyo isa soo taraya oo ka imanaya beesha caalamka iyo hay’adaha gobolka, kuwaas oo ku baaqaya xabbad-joojin deg-deg ah, ilaalinta shacabka iyo dib u bilaabidda wada-hadallada siyaasadeed.




