ADDIS ABABA – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mahmoud Ali Youssouf, ayaa mar kale ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo qaado cunaqabataynta dhinac-kaliya ah ee saaran hay’adaha iyo shakhsiyaadka ka tirsan Jamhuuriyadda Zimbabwe.
Guddoomiyaha ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan saameynta taban ee cunaqabatayntaasi ku yeelatay horumarka bulsho iyo dhaqaale ee Zimbabwe. Waxa uu sheegay in tallaabooyinkani ay xaddideen helitaanka dalka ee nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, ay caqabad ku noqdeen maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isla markaana ay kordhiyeen kharashaadka ganacsiga.
Sidoo kale, cunaqabatayntu waxay xaddiday awoodda Zimbabwe ay ku heli karto kaalmada horumarineed, taas oo saameyn ku yeelatay dadaallada dalka ee ku aaddan xaqiijinta qorshihiisa horumarineed ee Vision 2030.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa xusay in cunaqabatayntani ay caqabad ku tahay hirgelinta yoolalka is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka Koonfurta Afrika (SADC), Ajendaha 2063-ka ee Midowga Afrika iyo Himilooyinka Horumarinta Waara ee Qaramada Midoobay.
Waxa uu xaqiijiyay sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay taageeridda Zimbabwe, isagoo tilmaamay in ururku sii wadi doono dadaallada lagu doonayo in cunaqabataynta laga qaado.
Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay bayaanka uu guddoomiyaha ururka SADC ku soo saaray magaca dalalka xubnaha ka ah gobolka, kaas oo la xiriira baaqa ku aaddan qaadista cunaqabataynta saaran Zimbabwe.




