ADDIS ABABA – Midowga Afrika ayaa dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isla markaana diiday dhammaan noocyada faragelinta shisheeye ee lagu doonayo kala qaybinta Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa bogaadiyay qabashada doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee goleyaasha deegaanka ee ka dhacay gobollo kala duwan oo dalka ah, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay guul taariikhi ah. Waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay wada-hadallada uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, la yeelanayo dhinacyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida dalka, gaar ahaan deegaannada laga xoreeyay kooxaha hubeysan, iyo u diyaar-garowga doorashooyinka qaranka ee loo qorsheeyay sannadka 2027.
Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay warbixinta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ku saabsan Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo qorshaha kala-guurka ee ay si wadajir ah u diyaariyeen Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qorshahaasi ayaa ka kooban saddex marxaladood oo lagu dhimayo joogitaanka ciidamada AUSSOM si tartiib-tartiib ah oo nidaamsan. Marxaladda koowaad ayaa soconaysa bilaha Nofeembar ilaa Diseembar 2026, halka marxaladda labaad ay bilaabanayso Janaayo 2027 kuna eg tahay Diseembar isla sannadkaas. Marxaladda saddexaad ayaa la qorsheeyay inay bilaabato wixii ka dambeeya sannadka 2027.
Midowga Afrika ayaa ansixiyay marxaladda koowaad iyo tan labaad ee qorshaha kala-guurka, taas oo qayb ka ah qorshaha dib-u-habaynta iyo dhimista joogitaanka ciidamada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa mar kale caddeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya ee dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, amni, xasillooni iyo barwaaqo, isaga oo adkeeyay in la ixtiraamo madaxbannaanida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




