Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo shir la yeeshay saraakiisha ciidamada ee gobolka Bay

0

Baydhabo, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga gobolka Bay, howlaha ay ciidamada ka wadaan deegaannada gobolka iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga iyo xasilloonida. Taliyaha ayaa saraakiisha ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amni iyo howlaha ciidan ee socda, isagoo kula dardaarmay inay xoojiyaan wada-shaqeynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadkooda qaran.

Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka, si loo xaqiijiyo xasilloonida guud ee gobolka.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here