Midowga Afrika oo war cusub kasoo saaray dhimista ciidamada ATMIS

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wafdiga Midowga Afrika ayaa shalay soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo shan maalmood qaadatay oo ay ku joogeen caasimada Soomaaliya, iyagoo u kuurgalay dhameystirka xilliga kala guurka ee ammaanka dalka dhammaadka 2024-ka.

 

Wafdiga uu hogaaminayay, Alhaji Sarjoh Bah, oo katirsan Gudiga Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka dhici doonin wax firaaq dhanka ammaanka ah, iyadoo loo diyaar garoobayo wajiga saddexaad ee dhimista 4,000 oo askari oo kale ilaa Juun ee sanadkan.

Ujeeddada booqashada wafdiga waxay ahayd in ay qeexaan qaababka aan kala go ‘lahayn oo mas’uuliyada amniga loogala wareegayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) looguna wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Intii ay shirarku socdeen waxay waftigu dib u milicsadeen casharadii laga bartay labada waji ee 1aad iyo 2-aad, wejiga sadexaad ee soo socda bisha June, kaas oo lagu wado in la dhimo 4,000 oo askari, iyo wajiga xiga oo lagu soo afjarayo joogitaanka Atmis ku eee dalka bisha December 31, 2024.

Wafdiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, saaxiibada caalamiga ah, danjirayaasha dalalka ciidamada ka jooga Atmis, iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah.

Madaxda booqashada ku timid Muqdisho ayaa warbixin u gudbin doona golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo ku wareejin doono Dukumeenti qeexaya halbeegyada qaabeynta amniga Soomaaliya ka dib bixitaanka Atmis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here