Midowga musharixiinta oo taageeray go’aankii ra’iisul wasaare Rooble

0

Xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka oo war qoraal ah soo saaray ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla-markaana uu shaqada uga joojiyey taliyihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin.

Golaha midowga musharixiinta ayaa tilmaamay in go’aankan uu fure u yahay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale musharixiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay in go’aankan uu yahay mid soo celinayo sumcaddii hay’adda nabad sugidda, sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn waxay ka soo horjeesteen qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, iyaga oo tilmaamay in lagu carqaladeynayo inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here