Taliye Xijaar oo shir isugu yeeray saraakiisha booliska Soomaaliya

0

Taliyaha ciidamada booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kulankan looga hadlayo xaaladaha soo kordhay iyo sidoo kale xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Si kastaba ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa isku qabtay shaqo joojintii uu Rooble ku sameeyey agaasimaha guud ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here