Midowga Yurub Oo 138 Milyan oo Yuuro Ku Taageeray Soomaaliya

0

MUQDISHO — Midowga Yurub ayaa shaaciyay taageero maaliyadeed oo cusub oo loogu talagalay Soomaaliya, taas oo isugu jirta dhinacyada amniga iyo gargaarka bani’aadantinimada, xilli dalku ku jiro marxalad xasaasi ah oo dhanka amniga iyo siyaasadda ah.

 

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesco Di Mauro, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, xasilloonida siyaasadeed, iyo taageerada bulshada ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo.

Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqay 75 milyan oo Yuuro, kuwaas oo si gaar ah loogu taageerayo howlgalka AUSSOM. Howlgalkan cusub ayaa loogu talagalay taageerada nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya kadib marxaladihii kala-guurka amniga.

Safiirka Midowga Yurub ayaa sheegay in si loo xaqiijiyo guusha howlgalka ay muhiim tahay in beesha caalamka iyo dalalka gobolka ay si wadajir ah uga qeyb qaataan mas’uuliyadda iyo kharashaadka amniga Soomaaliya.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku dhawaaqay gargaar bani’aadantinimo oo gaaraya 63 milyan oo Yuuro, kaas oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha nololeed ee adag. Lacagtan ayaa lagu bixin doonaa adeegyada aas-aasiga ah sida cuntada, biyaha, caafimaadka, iyo gurmadka degdegga ah ee bulshada nugul.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo isku raacay muhiimadda wada-hadalka iyo is-afgaradka si loo xoojiyo dowladnimada iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Taageeradan cusub ayaa waxa ay imaaneysaa xilda dalka uu ka taagan khilaaf isbiirsaday oo dhanka muddo xilieedka dowlada ah, sidoo kale midow ayaa haatan arrimahaasi waxa uu ku dadaalo badan sidii xalka loogu gaari karaa arrimaha isdiidan.

sidoo waxaa loogu golleeyahay sii socoshada xiriirka dhow ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhankale dalka uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo bani’aadantinimo oo isa soo taraya.May be an image of text that says "Omai Add dai 19m X Francesca Di Mauro @franc... During my meeting with H.E. President @HassanSMohamud I also informed him on: the 75 M€ allocation to AUSSOM and the need for burden-sharing going forward > the implementation of the 63 M€ humanitarian aid by @eu_echo, including for those affected by the severe drought 5 L2 721 19 ilil 705"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here