Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Wasiirrada Caafimaadka Carabta

0

GENEVA, SWITZERLAND — Soomaaliya ayaa ka qeybgashay meertada 64-aad ee Shirka Wasiirrada Caafimaadka Dalalka Carabta oo lagu qabtay magaalada Geneva, kaas oo barbar socday Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa Soomaaliya ku matalay shirka oo ay isugu yimaadeen wasiirrada caafimaadka ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caafimaadka ee dalalka Carabta, horumarinta adeegyada caafimaadka, u diyaar garowga xaaladaha degdegga ah, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo helitaanka daryeel caafimaad oo loo siman yahay bulshada.

Wasiirka ayaa intii uu shirka socday carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka, is-dhaafsiga khibradaha caafimaadka, iyo taageerada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka iyo la tacaalidda caqabadaha caafimaad ee sii kordhaya ee dunida.May be an image of textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here