Morocco oo loogu baaqey inay bad-baadiso 6 qof oo Puntland dil ku xukuntay

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’addo NGO-yo ah oo ka jira dalka Marooko ayaa ugu baaqay dowladooda inay soo faragaliso oo ay ka hortagto xukun dil ah oo Maamulka Puntland ku riday lix qof oo u dhashay dalka Morocco.

 

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen hay’adaha ayaa waxay ku sheegeen inay ka war heleen xukun ay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland soo saartay 2-dii bishan March, kaasoo lix qof oo u dhashay dalka Marooko ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Daacish.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in eedaysanayaasha ay u yimaadeen Soomaaliya inay shaqo ka raadsadaan, isla markaana aanay garanayn ujeeddada ay Daacish u qorteen.

Qareenkooda ayaa xaqiijiyay inay doonayaan inay dib ugu laabtaan Morocco, wuxuuna sheegay inay marin habaabiyeen kooxda Daacish.

Ururada Morocco ayaa cambaareeyay xukunka dilka ah ee lagu riday lixda, iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanka maxkamadda Puntland.

Waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Morocco inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha muwaadiniintooda, dibna loogu celinayo dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here