BF Somalia oo loo gudbiyay nuqulka kama dambeysta ee wax ka bedelka Dastuurka

0

MUQDISHO (SMN) – Kulanka wada-jirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa,kaas oo maanta ah Dib-u-eegista marxaladda 3-aad ee Dastuurka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka,Mudane Xuseen Iidow ayaa warbixin guud ka siisay wax ka bedelka iyo soo-jeedinta Mudanayaasha labada aqal ee lagu daray ayaa BJFS u Gudbiyay Nuqulka kama danbeysta ah ee soo jeedinta wax-kabedelka afarta  Cutub ee  ugu horeysa Dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madax bannaan ee Dastuurka Abukaate Burhaan Aadan Cumar ayaa sidoo kale labada aqal u sharaxay sida ay u Kala Doorten aragtida ay ka dhiibteen Mudanayaasha BJFS muddadii u socday dooda xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here