Mucaaradka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho

0

Muqdisho – Mucaaradka ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag u dhaliilay siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Mucaaradku waxay markale ku celceliyeen in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu dhamaaday muddo xileedkiisii, isla markaana uu si sharci darro ah ugu sii jiro xafiiska Villa Soomaaliya, oo ah xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, mucaaradku waxay digniin culus ka soo saareen in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo adeegsado arrimaha siyaasadda iyo caburinta shacabka Soomaaliyeed ee aragti ahaan ka duwan dowladda Federaalka Soomaaliy.

Shirkan jaraa’id ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay dowladda qaadayay tallaabooyin la xiriira xakameynta bannaanbaxyada ka socda qaybo ka mid ah Muqdisho, kuwaas oo salka ku haya aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Mucaaradku waxay ugu baaqeen in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta, lana hubiyo in aan la adeegsan awoodda dowladeed si loo caburiyo aragtiyada siyaasadeed ee ka duwan kuwa dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here