Muungaab oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Deni

0

Muqdisho – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

 

Muungaab ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uusan magaalada Garoowe ka oggolaan bannaanbaxyo iyo rabshado, balse uu doonayo in arrimahaas laga sameeyo Muqdisho. Waxa uu yiri:

“Haddii aad rabshado iyo bannaanbaxyo waddo, maxaad uga sameyn weyday Garoowe, adigoo Muqdisho la soo aaday?”

Hadalka Muungaab ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah mucaaradka dalka, kuwaas oo si weyn uga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga siyaasadeed ee caasimadda.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here