Muqdisho – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa xalay si rasmi ah ula wareegay xilka, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno ka socday maamulka gobolka, saraakiil amni iyo marti sharaf kale.
Muungaab oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa xusay kaalintii uu horey uga soo qaatay dib u dhiska xarunta Dowladda Hoose xil hayntiisii hore, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay tahay xarun matasha sharafta iyo sumcadda caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay qorsheyaal uu tilmaamay inuu mudnaan gaar ah siin doono inta uu xilka hayo, kuwaas oo ka kooban 9 qodob. Waxa uu sheegay in qorshayaashan ay diiradda saarayaan horumarinta adeegyada bulshada, amniga, nadaafadda, kobcinta maamul wanaagga iyo dardargelinta howlaha doorashooyinka.
“Amniga caasimadda iyo doorka maamulka gobolka ee arrimaha doorashooyinka waa laba arrin oo aan si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha dowladda iyo shacabka,” ayuu yiri Muungaab.
Dr. Muungaab ayaa xilka kala wareegay Guddoomiye Amiir, kaas oo xilkan hayay muddo lix bilood ah, iyadoo ay horyaallaan ajandayaal cusub oo la xiriira kobcinta adeegyada degmada iyo xoojinta amniga caasimadda.




